Home » (EN) ATMIS condemns attacks in Bardhere, Bariire

(EN) ATMIS condemns attacks in Bardhere, Bariire

by Alex Kithumbu

atmis press release

WARSAXAAFADEED

(Oo degdeg ah)

Hawlgalka #ATMIS PR/13/2023

Muqdisho-21 Juun 2023- Madaxa Hawlgalka ATMIS ayaa cambaareeyey ficilada maleeshiyaad Al-Shabaab ay ku weerareen Saldhiga Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan Hawlgalka ATMIS ee kuyaala magaalada Baardheere, Gobolka Gedo ee maamul Goboleedka Jubaland, Soomaaliya.

Dhacdadan, ayaa laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay xerada ciidamada, iyadoo lala beegsaday goob lagu qorayey askar cusub oo ku biireysey ciidamada XDS, si ay gacan uga geystaan ilaalinta nabadda iyo ammaanka dowlad goboleedka Jubaland, xili ay ciidamada ATMIS bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya.

Askarta la qorayo marka la tababaro waxay ka mid noqon doonaan CXDS si ay ula dagaallamaan argagixisada Al-Shabaab, kalana wareegaan Hawlgalka ATMIS masuuliyada Amni ee dalka ka hor Dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka.

Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa yiri “Arrinta qoritaanka Ciidanka waa dadaal lagu dhisayo awoodda ciidamada XDS si ay u fuliyaan weeraro ka dhan ah argagixisada una abuuraan xaalad ammaan ah oo dowladnimada iyo horumar  ka hirgasho laakin Al-Shabaab oo wakiillo u ah burburinta Soomaaliya ma rabaan inay arkaan Soomaaliya oo horumarsan sidaa awgeed waa in aan Dhammaanteen isu baheysano ladagaalankooda kan adkaano argagixisada.”

Danjire Souef ayaa ballan qaaday in Hawlgalka ATMIS ay ka go’an tahay inuu taageero dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah si loo dhiso tayada ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka dalka.

Madaxa halwgalka ATMIS, ayaa sidoo kale bogaadiyay feejignaanta shacabka iyo hawlgalkii lagu soo qabtay nin looga shakiyey inuu yahay Al-Shabaab oo uu ku lug lahaa weerarkii bambaano ee 20-kii June 2023 ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya.

Gelinkii dambe ee Talaadadii, laba weerar oo is qarxin ah ayaa ka dhacay Bariire oo ay fuliyeen Al-Shabaab, waxaana ku dhaawacmay dad badan oo rayid ah iyo qaybo kamid ah CXDS. Eedeysanaha la qabtay oo ahaa darawal Mooto Bajaaj, kaasi oo u qaaday Is-miidaamiyaha goobta uu weerarku ka dhacay.

_________________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Af-hayeenka Ciidamada: G.Dhexe A. Ganale,

Email: atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252 617682175/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like