Home » AU Special Representative visits ATMIS soldiers in Nairobi Hospitals

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo booqday askarta ATMIS ee lagu dabiibaayo Isbitaallada Nairobi

by Alex Kithumbu

Nairobi – Hogaanka sare ee Hawlgalka Ku-meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaley booqdey ciidamada dhaawaca ah ee lagu daweynayo Isbitaallada kala duwan ee kuyaala caasimada Kenya ee Nairobi.

Iyadoo uu hogaaminayo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef, Masuuliyiinta waxey booqdeen ciidamadan laga soo qaaday Soomaaliya si ay uhelaan daaweyn heer sare ah ee isbitaallada ugu sareeya magaalada Nairobi.

Danjire Souef waxuu ku bogaadiyey ciidamada sida ay naftooda ugu hureen dib usoo-uhanashada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waftiga aya ka koobnaa Abaanduulaha ciidamada ATMIS, Sarreeye Guud Sam Okiding iyo Taliyaha Booliska ATMIS Hillary Sao Kanu.

“Waxaan boogaadineynaa shaqada wacan ee ay hayaan dhakhaatiirta iyo sida ay ucaawinayaan askarteena dhaawaca ah, waxaa kaloon ku faraxsanahay xiriirka wacan ee ka dhaxeeya ATMIS iyo isbitaallada bixinaya adeega daweynta ciidamadeena” ayuu yiri Danjire Souef isagoo raaciyay “Waxaan ciidamada u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah.”

Sarreeye Guud Okiding ayaa sidoo kale kalsooni u muujiyay tayada daweynta ee ay helayaan ciidamada dhaawaca ah, isagoo intaas ku daray in Halwgalku uu sii wadi doono caawinta ciidamadiisa si ay durba u caafimaadi lahaayeen.

“Aad baad ugu mahadsantihiin isbitaaladiinan hawsha aad haysaan. Waxaad la soo shaqeyseen hawlgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) hadana waxaad la shaqeyneysaan Hawalgalka Ku-meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya” ayu yiiri abaanduulaha ciidamda ATMIS.

Masuuliyiinta waxey sidookale la kulmeen maamullada isbitaalada lagu dabiibaayo ciidamada dhaawaca ah iyagoo uga warbixiyey xaalada ciidamada dhaawaca ah iyo sida ay usoo kabanayaan.

Booqashada waxey ujeedkeeda aheyd in loo muujiyo taageero ciidamdan dhaawaca ah iyo sidoo kale in niyada loo dhiso.

 

You may also like