Home » Madaxa ATMIS oo ku ammaanay ciidamada Burundi kaalintooda wax-qabad ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle

Madaxa ATMIS oo ku ammaanay ciidamada Burundi kaalintooda wax-qabad ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle

by Alex Kithumbu

Jowhar  – Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa ku bogaadiyay ciidamada ATMIS ee Burundi sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanada Maamul goboleedka Hirshabeelle.

Mar uu kormeer shaqo oo uu ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta Maamul goboleedka Hirshabeelle iyo xarunta ATMIS ee Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF), asaga oo uu weheliyo Ku-simaha abaanduulaha Ciidamada ATMIS, Sareeye Guud Marius Ngendabanka, aya Danjire Souef ammaan ballaaran u jeediyay ciidamada Burundi oo si hufan u qabtay howlo badan oo ay ka mid yihiin howlgallada bartilmaameedka ah, sugidda amniga deeganada, marinnada muhiimka ah iyo xarumaha dowladda sida Baarlamaanka, Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha Jowhar.

“Howlgalladii wadajirka ahaa ee ay fuliyeen ciidamada Burundi iyo kuwa Xooga dalka Soomaaliya, ayaa lagu xoreeyay deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan. Waxay qayb ka ahaayeen ciidamada isku dhafka ah ee ku guuleystay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan gobolkan dhowr bilood ka hor waxaana si hufan u shaqeeya Xarunta Howlgallada Wadajirka ah (JOC)”, ayuu ku nuux-nuuxsaday Madaxa ATMIS Danjire Souef.

Ku-simaha abaanduulaha Ciidamada ATMIS, Sareeye Guud Marius Ngendabanka aya sidookale bogaadiyay Ciidamda Burundi ee ATMIS.

“Booqashadeena halkan maanta waa inaan ku bogaadinno kaalinta muhiimka ah ee Ciidamadeena qaybta 5-aad iyo in aan dhiirigelino oo aan niyadda u dhisno ciidankeena geesiyaasha ah ee ka hawl-galo furiimaha kala duwan (FOBs),” ayuu yiri Sareeye Guud Marius Ngendabanka.

Abaanduulaha Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF) ee ATMIS Sareeye Guuto Jean Claude Niyiburana, ayaa xaqiijiyay ciidamadu in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, ayna sii wadi doonaan la shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed si loo fuliyo waajibaadka ATMIS.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef, Ku-simaha abaanduulaha Ciidamada ATMIS, Sareeye Guud Marius Ngendabanka iyo Abaanduulaha Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF) ee ATMIS Sareeye Guuto Jean Claude Niyiburana aya sidookale waxay la falgaleen wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo dadka gudaha ku barakacay.

Shirkan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bini’aadantinimo, iyo meelaha ay iskaashiga kala yeelan karaan ATMIS.

Wafdiga ATMIS ayaa sidoo kale booqday Xarunta Howlgalka Wadajirka ah (JOC) iyagoo sidoo kale soo kormeeray qeybaha ay dagan yihiin Ciidanka Booliska ATMIS.

Guddoomiyaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Madiino Cadow Colow, ayaa ku baaqday in mashaariic dheerad ah oo kuwa saamaynta degdega ah leh loo fuliyo dadka deegaanka oo ay ka mid yihiin kuwa waxbarashada iyo kaabayaasha caafimaadka ee laga hirgeliyo deegaannada dhowaan la xoreeyay.

 

 

You may also like