Home » ATMIS oo CXD ugu hambalyeysay xoreynta magaalooyinka Ceeldheer,Galcad iyo Xarardheere ee Galmudug

ATMIS oo CXD ugu hambalyeysay xoreynta magaalooyinka Ceeldheer,Galcad iyo Xarardheere ee Galmudug

by Alex Kithumbu

atmis press release

WAR SAXAAFADEED

(Faafin Degdeg ah)

ATMIS PR/01/2023

ATMIS oo CXD ugu hambalyeysay xoreynta magaalooyinka Ceeldheer,Galcad iyo Xarardheere ee Galmudug

Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed xoreynta magaalooyinka Ceeldheer, Xaradheere, Galcad iyo Xiindeere ee Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug ee shalay iyo maanta.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerda loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira”, ayuu yiri Danjire Souef.

“Al-Shabaab waa ay jabeen waxaana anaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba ”, ayuu Danjire Souef carabka ku adkeeyey.

_______________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Af-hayeenka Ciidamada: G.Dhexe A. Ganale,

Email: Atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252 617682175/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

 

You may also like