Home » ATMIS oo cambaaraysay weerarkii Hoteel Villa Rossa

ATMIS oo cambaaraysay weerarkii Hoteel Villa Rossa

by Alex Kithumbu

atmis press release

War Saxaafadeed

(faafin degdeg ah)

ATMIS PR/09/2022

MUQDISHO – Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ereyada ugu adag ku cambaareeyey weerarkii foosha xumaa ee ay argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Hoteel Villa Rossa ee bartamaha Muqdisho.

’’Weerarka bahalnimada ah iyo go’doomintuba waxa ay muujinayaan in argagixisadu ku jabeen goobaha dagaalka halkaas oo ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee sooma-jeestayaasha ahi ay sii wadaan in ay guuldarrooyin xooggan ku gaarsiiyaan islamarkaana ay dib uga qabsadaan deegaanno badan oo ay horay argagixisadu u haysteen,’’ ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Moxamed Al-Amiin Seyf.

Intaa waxa uu ku daray ’’weerarrada cadawnimo ee noocaan ah ee lala beegsanyo dadka aan waxba galabsan ayaa mar kale hoosta ka xaarriiqaya sida loogu baahan yahay tillaabo adag oo ka dhan ah argagixisada.’’

Danjire Seyf ayaa bogaadiyey Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee si adag u  dagaallamay si ay u difaacaan nafta dadka ku jirey Hoteelka Villa Rossa wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii naftooda ku waayay. Waxa uu kuwa ku dhaawacmay u rajeeyey bogsasho degdeg ah.

___________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Sarkaalka Isgaarsiinta ama Afhayeenka Ciidanka

Marwo Gifty Bingley ama Lt. Col. A. Ganale,

Iimayl: atmismediacenter@gmail.com

Taleefanka gacanta: (Soomaaliya) +252 617 682 175/+252 613 665 356; (Nairobi) +254 722 586005

You may also like