Home » ATMIS oo lagu deeqey baabuurta gaashaaman si ay u xoojiso dadaallada nabadaynta iyo amniga Soomaaliya

ATMIS oo lagu deeqey baabuurta gaashaaman si ay u xoojiso dadaallada nabadaynta iyo amniga Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 3 Ogosto 2022 –Si kor loogu qaado waajibaadka ka saaran wiiqidda awoodda Al Shabaab iyo ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha muhiimka ah, Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la wareegay 24 Gawaarida Gaashaaman ee ciidanka lagu daabulo oo ay ku deeqday dowladda Mareykanka.

Gaadiidkan gaarka ah ayaa waxaa isticmaali doona ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ay si wadajir howlgallada u fulin doonaan ciidamada xoogga dalka ee howl-galada ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Isagoo ku wareejinaya gaadiidkan Hoggaanka ATMIS ee magaalada Muqdisho maalintii Arbacadii, danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa ku celiyay taageerada dowladdiisa la garabtaagantahay dadaalka loogu jiro nabadeynta iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Muujinta taageeradeena, iyadoo ay jiraan siyaalo kale, waa deeqda baabuurtan si ay uga qeyb qaataan adkeynta difaaca ciidamada Midowga Afrika – gaar ahaan ciidamada Jabuuti – oo ku socdaalaya waddooyinka gobollo kala duwan eeSoomaaliya oo inta badan lagu xiro walxaha qarxa ee khatarta ah, si loo dhibaateeyo oo kaliya kuwa doonaya inay caawiyaan Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Andre.

“Wareejinta 24-kan gaari waxay ka qeyb qaadan doontaa inay Soomaaliya sare u qaaddo dagaalka lagula jiro xagjiriinta hubeysan. Waxaan ognahay in qalabkani uu wax badan bedeli doono isagoo cadaadis dheeraad ah saari doona Al-Shabaab. Tani waa mid waafaqsan qorshaha Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waana mid lagu ilaalinayo qorshaha kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo si joogto ah u kordhin doono ku wareejinta mas’uuliyadaha amniga ciidamada Soomaaliya,” ayuu danjiruhu hadalkiisa ku daray.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DRCC), Fiona Lortan, ayaa ka guddoontey gaadiidkan, iyadoo xustay in agabkan Millateri uu ku soo beegmay waqti ku habboon, iyadoo ATMIS ay dib u habeyn ku samaynayso ciidammadeeda iyo qalabkooda.

“Anigoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika, xubinnimada, iyo dhammaan dalalka ciidamada ku deeqay howgalka ATMIS, oo ay ku jirto Jabuuti iyo dhammaan kuwa kale maadaama ATMIS ay tahay dadaal mideysan oo garab istaaga iyo taageero loogu muujinaayo dadka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay inaan u mahadceliyo dadka iyo dowladda Mareykanka deeqsinimadooda iyo dhabar adeegooda ay ku taageerayaan howl-galkeynan ka socda Soomaaliya,” ayey tiri Marwo Lortan.

Sanadihii la soo dhaafay, Al Shabaab ayaa ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa XDS la galeysay dagaal aan toos ahayn, iyadoo isticmaaleysa walxaha qarxa oo la dhigo wadooyinka muhiimka ah ee uu saadka maro iyo xirooyinka la dhisay. Deeqdan baabuurta ah ayaa kor u qaadaysa awoodda ay ATMIS iskaga caabineyso walxaha qarxa waxayna ciidamada ka caawinaysaa ilaalinta dadka rayidka, kaabayaasha muhiimka ah iyo goobaha xasaasiga ah, fududaynta bixinta gargaarka bini’aadannimada iyo taageeridda hawlaha xasilinta.

 

You may also like