Marwo. Fiona Lortan waa ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya iyo ku-xigeenka madaxa hawlgalka.
Waxay xafiiska la wareegtay Febraayo 2022.
Ka hor magacaabisteeda, waxay ahayd Ku-simaha Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Waaxda Nabadda iyo Amniga ee Arrimaha Siyaasadda (PAPS). Waxa ay hore uga soo shaqeysay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, iyada oo xubin ka ah guddiga fulinta heerka sare ee Midowga Afrika ee Suudaan iyo Suudaanta koofueed, oo uu madax ka ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki.
Waxay ku biirtay guddiga Midowga Afrika Maajo 2002 waxa ayna ka shaqeysay doorar kala duwan si ay xaqiijiso nabadda iyo ammaanka qaaradda.
Marwo Lortan waa muwaadin Koonfur Afrikaan ah.
Waxa ay haysataa Bachelor of Arts iyo Master of Philosophy ee aragtida bulshada iyo siyaasadda ee Jaamacadda Kwa-Zulu Natal iyo Jaamacadda Cambridge siday u kala horreeyaan.