Home » Les partenaires internationaux félicitent le nouveau Président Hassan Sheikh Mohamud

Saaxiibada Caalamiga oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud

by Alex Kithumbu
ATMIS PRESS-STATEMENT-1

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH:

Saaxiibada Caalamiga oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxa ay ugu hambalyeeyeen Xasan Sheekh Maxamuud doorashadiisa  madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Waxa aan uga mahadcelineynaa Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u sharfay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si degdeg ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday in uu garab istaagi doono madaxweynaha beddelaya.

Waxaan mahadin u heynaa Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo hawlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha, iyo Ciidanka Amniga Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya sida ay u hirgeliyeen doorasho Madaxweyne habsami leh, nabad ah, ammaanna ah.

Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya waxaa weli naga go’an  ballanqaadkeenna aan u sameynay Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa in aan fahamno hor-tebinnada Madaxweynaha cusub si aan uga wadashaqeyno horumarinta nabadda, barwaaqada, iyo dowladnimada wanaagsan ee Soomaaliya.

 

*Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

You may also like