Home » La cour martiale déclare des soldats de l’AMISOM coupables d’avoir tué des civils à Goloweyn

ATMIS waxa ay dadka Soomaaliyeed u rajeyneysaa Ciidul Fitri wanaagsan

by Alex Kithumbu
ATMIS PRESS-STATEMENT-1

Muqdisho 2 Maajo 2021 – Howlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya(ATMIS), waxa uu hambalyo diiran u dirayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasibadda Ciidul fitriga waxa uuna ugu hambalyeynayaa sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadkooda soonka intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

Annaga oo u dabbaal dageyno Ciidul Fitriga sanadkan, waxa ay ATMIS ku bogaadineysaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkooda wadajirka ee ku aaddan hilitaanka nabad iyo amni waara oo dalka ka hirgala iyo rabitaankoodii dib-u-heshiinta iyo isu tanaasulka ee horseeday in si guul leh ay ku soo dhamaadaan doorashooyinka baarlamaan iyo doorashadii xigtay ee guddoonada iyo ku-xigeenada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

ATMIS waxa ay mar kale xaqiijineysaa ballanqaadka joogtada ah ee Midowga Afrika ee kalashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed hilgelinta Qorshaha Kalaguurka ee Soomaaliya.

_________________

Wixi faahfaahin dheeraad ah la xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Afhayeenka Ciidamada: Kornayl Daniel Mugoro Muiruri,

Limeyl:: Atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252617682/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like