Home » L’ATMIS remet des armes saisies aux autorités somaliennes

ATMIS ayaa maamullada Soomaaliya ku wareejisey hub ay qabteen

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 30 Abriil 2022 – Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hub lagu soo qabtay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ku wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Hubka ayaa isugu jirey qoryaha Dhashiikaha, qoryo yar yar, iyo dhowr xabadood oo rasaas ah oo ay soo furteen Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ku-xigeenka Madaxa ATMIS, Marwo Fiona Lortan, ayaa Sabtidii hubkan ku wareejisey Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, Jen. Maxamed Tahliil Biixi, mar munaasabad wareejin ah lagu qabtay Muqdisho.

Ms. Lortan ayaa xustay in xil wareejintaasi ay waafaqsan tahay hab-maamuuska hubka fudud ee SALW, kaasoo qeexaya hannaanka kaydinta iyo maaraynta hubka.

Sida nidaamkan ku cad, dhammaan hubka la qabto waa la diiwaangelinayaa, la sawirayaa, oo la baarayaa kahor inta aan la burburin ama dib loo qaybin.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS waa in ay diiwaangeliyaan dhammaan hubka iyo agabka millateri ee lagu qabto weerarrada inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda,” ayay tiri Ms. Lortan.

Waxa ay xustay in qabashada hubka iyo wareejintu ay tahay guulo wax ku ool ah oo laga gaaray dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Taliye Xigeenka Ciidamada ATMIS ee dhanka howlgallada iyo qorshayaasha, Jen. William Kitsao Shume, ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS sida ay u dhabar adeygeen.

“Maanta, waxaan ku wareejinaynaa hubkii lagu qabtay qaybta 1-aad, waxaana rabaa inaan ka mahadceliyo dadaallada lagu hirgelinayo waajibaadka ATMIS. Waa naf hurid ay samaynayaan dhammaan kuwa ciidamadeena ku tabarucay ee maahan wax aan waxba ku toornayn,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Shume.

Taliyaha ATMIS ee Uganda, Jen. Keith Katungi, ayaa isna sheegay in hubka laga soo qabtay Al-Shabaab looga dan leeyahay in lagu xakameeyo hubka fudud.

“Layligani wuxuu muujinayaa guusha (ujeedadeenna) aan ka leenahay inaan hoos u dhigno oo aan u diidno Al-Shabaab xorriyadda ficilka iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa,” ayuu raaciyay Jen. Katungi.

Dhankiisa, Jen. Maxamed ayaa bogaadiyey iskaashiga ka dhexeeya ATMIS iyo SNA ee dhanka dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida, kahor inta aan sida la filayo mas’uuliyadda amniga lagu wareejin ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Wadashaqeynteennu waxay wiiqaysaa cadowga, waxayna dhiirri-gelinaysaa ciidamadeenna – ATMIS iyo kuwa ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Jen. Maxamed kaddib markii uu guddoomey hubka.

You may also like