Home » Des officiers de l’ATMIS formés sur la protection civile

Saraakiil ATMIS ah oo loo tababaray ilaalinta rayidka

by Alex Kithumbu

KISMAAYO – Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyey tababar labo maalmood socdey oo ku saabsanaa ilaalinta dadka rayidka ah marka ay ku guda jiraan howlgallada ciidan.

Soddon iyo kow sarkaal oo dhowaan halkaa la geeyey oo ay ku jiraan saddex dumar ah ayaa ka qaybgalay tababarka oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Tababarka oo ku saabsanaa sharciga caalamiga ah ee bini’aadminnimada ayaa ay ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa aqoontooda iyo xirfadahooda ku aaddan waajibaadka ka saaran ilaalinta rayidka marka ay fulinayaan howlgallada Aagga Mas’uuliyadda (AoR).

“Waxaan diiradda saaraynaa dhowr qaybood oo ilaalin ah, oo ay ku jiraan ilaalinta guud, ilaalinta carruurta, (iyo) ilaalinta haweenka, laakiin dabcan, waxaan sidoo kale ka doodi doonnaa IHL (Sharciga Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah),” ayuu yiri Sarkaalka Ilaalinta ATMIS, Gloria Jaase.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadminnimada, ciidamada qalabka sida waxaa looga baahan yahay inay dadka rayidka ah ka ilaaliyaan khataraha ka dhalan kara howlgallada ciidamada, iyadoo dadka qaba baahiyaha gaarka ah, sida carruurta, haweenka, waayeelka, dadka naafada ah iyo barakacayaasha, ay u baahan yihiin in fiiro gaar ah loo yeesho.

“Waxaannu qaadannay saraakiisheenii,” ayay sharraxday Marwo Jaase “iyadoo la adeegsanayo hab-raacyada ilaalinta rayidka ah uu u dejiyey Midowga Afrika dhanka howlgallada taageerada nabadda. Waxa kale oo aanu u marnay xayndaabka sharciga ah ee hagaya ilaalinta dadka rayidka ah.”

Lieutenant Tom Obonyo, oo ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa sheegay in koorsadu ay faa’iido u leedahay oo ay u tahay mid ay ku xusuusanayaan mas’uuliyadda koowaad ee ka saaran xaqiijinta ilaalinta rayidka.

“Aad baan uga mahad celinaynaa inaan ka soo qayb galno koorsadan ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah ee aagga laga hawlgelayo. Anagoo ah jilayaasha ugu muhiimsan ee howlgalkan, waxaan u baahan nahay inaan helno aqoontan gaarka ah, (gaar ahaan) ilaalinta haweenka iyo carruurta, duruustuna waxay wax badan ka tari doontaa sidii aan nu gacan uga gaysan lahayn howlgalladeenna,” ayuu yiri Lt. Obonyo.

You may also like