Home » AU Special Representative for Somalia extends goodwill message to the people and the government of Somalia during the holy month of Ramadan

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu tahniyadeeyey curashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

by panyo

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho: Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya u diray hambalyada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maanta oo Ramadaan la galay, waxaan xasuusannahay in ay tahay bishii barakaysnayd ee Soonka, bishii daahirinta nafta iyo bishii Cibaadada, waana bishii naxariista iyo wax-siinta dadka tabaalaysan. Ramadaankan aynu ku jirno Allah ha inagu edleeyo geesinnimo, xoog iyo in uu Allah inoo fududeyo caqabadaha nolosha ee aynu wajaheyno” ayuu yiri Danjire Madeira.

Anagoo Sooman oo Ducooyin Allaah Subxaanahu watacaalaa ku koobeyna, waxaan dhamaan umadda Soomaaliyeed u baryeynaa in Bisha Barakeysan ee Ramadaan ugu soo gebagabowdo Nabad iyo Farxad.

Wakiil Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika waxa uu ka codsanaysaa dhamaan xubnaha bulshada ee awooda in ay caawiyaan walaalaheena tabaalaysan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, iyo in ay u midoobaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada seef la boodka ah.

Howl-galka Midowga Afrika wuxuu sii wadi doontaa inay si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed si nabadda iyo xasiloonida dalka looga dhigo mid dhab ah oo waarta, ayuu ku daray Danjire Madeira.

_________________

Wixi faahfaahin dheeraad ah la xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Afhayeenka Ciidamada: Kornayl Daniel Mugoro Muiruri,

Limeyl:: Atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252617682/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like