Home » African Union Commission appoints Ms. Fiona Lortan as the Deputy Special Representative to Somalia

Guddiga Midowga Afrika ayaa u magacaabay Ms. Fiona Lortan ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya

by panyo
ATMIS PRESS-STATEMENT-1

Muqdisho, 7 Febraayo 2022 – Guddiga Midowga Afrika ayaa u magacaabay Ms. Fiona Lortan inay noqoto ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo ku xigeenka madaxa ergada.

Marwo Lortan waxa ay qaadatay waayo-aragnimo badan oo ku saabsan jagadaas, waxayna door muhiim ah ka ciyaari doontaa marxaladda kala guurka ah ee ballan-qaadka Midowga Afrika ee xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.

Waxay ku biirtay guddiga Midowga Afrika May 2002 waxayna ka soo shaqeysay doorar kala duwan oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga qaaradda. Waxa ay dhawaan ahayd Ku-simaha Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Waaxda Nabadda iyo Amniga ee Arrimaha Siyaasadda (PAPS) waxayna si mug leh uga soo shaqeysay AMISOM. Waxa ay hore uga soo shaqeysay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, iyada oo xubin ka ah guddiga fulinta heerka sare ee Midowga Afrika ee Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, oo uu madax ka yahay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka (PAPS), H.E. Danjire Bankole Adeoye, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda dhowrka bilood ee soo socda ay u leeyihiin AMISOM maadaama uu waqtigu ku eg yahay 31-ka Maarso 2022.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Ms. Fiona Lortan, aqbashay doorka ku-xigeenka SRCC muddadan ku meel gaarka ah. Waxaa ka mid ah howlo kale oo badan, inay ka caawin doonto Midowga Afrika sidii uu u gaarsiin lahaa dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay si loo soo afjaro AMISOM iyo daba-galka diyaargarowga socda ee ku aaddan xilka, dhismaha, baaxadda, iyo qaab dhismeedka howlgalka cusub ee Soomaaliya ee la soo jeediyay,” ayuu Danjire Adeoye.

Ms. Lortan waxay u dhalatay dalka Koonfur Afrika ah waxayna haysataa Bachelor of Arts iyo Master of Philosophy ee Cilmiga bulshada iyo Siyaasadda oo ay ka qaadatay Jaamacadda Kwa-Zulu Natal ee Durban, Koonfur Afrika iyo Jaamacadda Cambridge, Boqortooyada Ingiriiska.

————————

Wixi faahfaahin dheeraad ah kala xiriir
Madaxa saree e isgaarsiinta ama Af-hayeenka Ciidanka
Marwo Gifty Bingley or Gaashaanle Dhaxe. Daniel Mugoro Muiruri,
Email: au-amisomhom@africa-union.org
Taleefank gacanta: (Somalia) +252 617 682 175/+252 613 665 356; (Nairobi) +254 722 788 975

You may also like