{"id":4116,"date":"2023-09-12T13:00:18","date_gmt":"2023-09-12T10:00:18","guid":{"rendered":"https:\/\/atmis-au.org\/?p=4116"},"modified":"2023-09-12T15:10:56","modified_gmt":"2023-09-12T12:10:56","slug":"atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/","title":{"rendered":"ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska"},"content":{"rendered":"<strong>Kismaayo<\/strong> <strong>&#8211;<\/strong> 25-suxufi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta magaalada Kismaayo ayaa tababar muddo saddex maalmood ah socday soo gabagabeeyen kaas oo ku saabsan tebinta arrimaha dalxiiska safarrada si ay gacan uga geystaan caanbixinta goobaha dalxiiska ee dowlad goboleedka Jubbaland.<\/p>\n<p>Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta dadweynaha iyo Dalxiiska ee Jubaland ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ka qaybgalayaasha loo siin lahaa xirfado ay si hufan uga warbixiyaan goobaha dalxiiska ee kala duwan ee maamul goboleedka Jubaland.<\/p>\n<p>Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay tababarka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay horumarinta dalxiiska gobolka.<\/p>\n<p>\u201cSuxufiyiin ahaan, hadda waxaa mas\u2019uuliyad idinka saarantahay in aad dib u nooleysaan hadafkan, idinkoo si dhexdhexaad oo wadashaqayn leh uga warrantaan gobollada kala duwan ee Jubaland, idinkoo shaacinaayo goobaha dalxiiska,\u201d ayuu yiri Wasiirka.<\/p>\n<p>Wasiirka oo ku dhiiri galiyay saxafiyiinta in ay xirfada iyo aqoonta ay kororsadeen u adeegsadaan horumarinta jubaland oo ah goob loo dalxiis tago ayaa waxa uu xusay in dowlad goboleedka Jubbaland uu leeyahay qaar ka mid ah meelaha ugu quruxda badan gobolka Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Jubaland waa mid ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaleed ee ilaahay ku manaystay meelo kala duwan oo loo dalxiis tago, oo ay ku jiraan Beerta Qaranka ee Kismaayo, xeebaha caanka ah iyo kaydka Raas Kambooni iyo goobo kale.<\/p>\n<p>Saxafiyiinta ayaa uga mahad celiyay ATMIS iyo maamulka Jubaland oo soo qaban qaabiyay tababarkan, waxayna ku baaqeen in siminaarkan oo kale lagu qabto deegaanada kale ee gobolka.<\/p>\n<p>Axmed Cabdi Maxamed oo ah wariye ka tirsan Radio Kismaayo ayaa sheegay in tababarkan uu ahaa mid sare u qaaday fahamkiisa ku aadan daxliiska loo safro iyo iyo muhiimada ay u leedahay caanbixinta maamul goboleedka Jubaland.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan rajeynayaa in saxafiyiin ahaan, aan kaalin mug leh ka qaadan karno soo bandhigida goobaha dalxiiska ee quruxda badan ee Jubaland. Hadafkeena waa in aan ku dhiirigelino dalxiisayaasha gudaha iyo dibaddaba in ay soo booqdaan oo ay ku raaxaystaan fursadaha dalxiiska ee hodanka ah iyo kuwa kala duwan ee dalkeena,\u201d ayuu yiri Maxamed.<\/p>\n<p>Xamdi Maxamed Yaasiin oo ah wariye ka tirsan Radio Waamo ayaa sheegtay in ay wax badan ka baratay habka xilkasnimada leh ee wax loo tebiyo iyo muhiimadda ay u leedahay saxaafadda.<\/p>\n<p>&#8220;Waa in aan fiiro gaar ah u yeelanaa farsamooyinkeena tabinta wararka oo aan dhaqangelinno isbeddellada lagama maarmaanka ah si aan ugu dhiirrigelino ganacsiyada in ay maalgashadaan dalxiiska,&#8221; ayuu yiri Yaasiin. &#8220;Waxaan aad u daneyneynaa in aan bilowno ku dhaqanka aqoonta aan helnay anagoo soo saareyno sheekooyin kor u qaadaya goobaha dalxiiska ee dabiiciga ah iyo kuwa ay dadku sameeyeen ee Jubaland.&#8221;<\/p>\n<p>Hanad Cabdi Yuusuf oo ah wariye ka tirsan Telefeshinka Jubaland ayaa ku tilmaamay aqoon iswaydaarsigan mid ku soo aaday waqtigii loo baahnaa, isla markaana kaalin weyn ka qaadanayo sidii uu si wanaagsan uga qayb qaadan lahaa horumarinta goobaha dalxiiska ee Jubaland.<\/p>\n<p>Tababarka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa fahamka ka qaybgalayaasha ee dalxiiska dabiiciga ah iyo kuwa macmalka ah, doorka saxafiyiinta ee horumarinta dalxiiska iyo muhiimadda dalxiiska ee dalalka deriska ah iyo kuwo kale.<\/p>\n<p>Iyadoo dunidu ay u diyaar garoobayso xuska maalinta dalxiiska adduunka ee bishan, ayaa sidoo kale Soomaaliya waxa ay isu diyaarinaysa in ay tahay mid ka mid ah meelaha loo dalxiis tago ee Afrika.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<div class=\"flickr-justified-gallery-error\"><span style=\"color:red\">Flickr API error: <\/span><span class=\"flickr-justified-gallery-error-msg\">Invalid API Key (Key has invalid format)<\/span><\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kismaayo &#8211; 25-suxufi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta magaalada Kismaayo ayaa tababar muddo saddex maalmood ah socday soo gabagabeeyen kaas oo ku saabsan tebinta arrimaha dalxiiska&hellip;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":4117,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,107],"tags":[],"class_list":["post-4116","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-atmis-news","category-highlights"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.9 - https:\/\/yoast.com\/product\/yoast-seo-wordpress\/ -->\n<title>ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)<\/title>\n<meta name=\"description\" content=\"Kismayo- Twenty-five journalists from various media houses in the port city of Kismayo have completed a three-day specialised training on travel journalism to help showcase Jubaland State as a tourism destination.\u00a0\" \/>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"so_SO\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Kismayo- Twenty-five journalists from various media houses in the port city of Kismayo have completed a three-day specialised training on travel journalism to help showcase Jubaland State as a tourism destination.\u00a0\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-09-12T10:00:18+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-09-12T12:10:56+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2048\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1365\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:creator\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:site\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/\"},\"author\":{\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\"},\"headline\":\"ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska\",\"datePublished\":\"2023-09-12T10:00:18+00:00\",\"dateModified\":\"2023-09-12T12:10:56+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/\"},\"wordCount\":1017,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg\",\"articleSection\":[\"Wararka ATMIS\",\"Highlights\"],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/\",\"name\":\"ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg\",\"datePublished\":\"2023-09-12T10:00:18+00:00\",\"dateModified\":\"2023-09-12T12:10:56+00:00\",\"description\":\"Kismayo- Twenty-five journalists from various media houses in the port city of Kismayo have completed a three-day specialised training on travel journalism to help showcase Jubaland State as a tourism destination.\u00a0\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"so-SO\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[[\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/\"]]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg\",\"width\":2048,\"height\":1365},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"ATMIS trains Jubaland journalists on tourism reporting\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"name\":\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"description\":\"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\",\"name\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"width\":1562,\"height\":522,\"caption\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\",\"https:\/\/x.com\/atmis_somalia\",\"https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/\",\"https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\",\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"Alex Kithumbu\"},\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"Kismayo- Twenty-five journalists from various media houses in the port city of Kismayo have completed a three-day specialised training on travel journalism to help showcase Jubaland State as a tourism destination.\u00a0","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/","og_locale":"so_SO","og_type":"article","og_title":"ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","og_description":"Kismayo- Twenty-five journalists from various media houses in the port city of Kismayo have completed a three-day specialised training on travel journalism to help showcase Jubaland State as a tourism destination.\u00a0","og_url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/","og_site_name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","article_published_time":"2023-09-12T10:00:18+00:00","article_modified_time":"2023-09-12T12:10:56+00:00","og_image":[{"width":2048,"height":1365,"url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Alex Kithumbu","twitter_card":"summary_large_image","twitter_creator":"@atmis_somalia","twitter_site":"@atmis_somalia","twitter_misc":{"Written by":"Alex Kithumbu","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/"},"author":{"name":"Alex Kithumbu","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4"},"headline":"ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska","datePublished":"2023-09-12T10:00:18+00:00","dateModified":"2023-09-12T12:10:56+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/"},"wordCount":1017,"publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg","articleSection":["Wararka ATMIS","Highlights"],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/","name":"ATMIS oo saxafiyiinta Jubaland u fidisay tababar dhanka tebinta arrimaha dalxiiska - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg","datePublished":"2023-09-12T10:00:18+00:00","dateModified":"2023-09-12T12:10:56+00:00","description":"Kismayo- Twenty-five journalists from various media houses in the port city of Kismayo have completed a three-day specialised training on travel journalism to help showcase Jubaland State as a tourism destination.\u00a0","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#breadcrumb"},"inLanguage":"so-SO","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":[["https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/"]]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#primaryimage","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/53179964841_1c94299b96_k.jpg","width":2048,"height":1365},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-trains-jubaland-journalists-on-tourism-reporting\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"ATMIS trains Jubaland journalists on tourism reporting"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process","publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization","name":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","width":1562,"height":522,"caption":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","https:\/\/x.com\/atmis_somalia","https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/","https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4","name":"Alex Kithumbu","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","caption":"Alex Kithumbu"},"url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4116","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4116"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4116\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4121,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4116\/revisions\/4121"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4117"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4116"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4116"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4116"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}