{"id":3556,"date":"2023-06-12T23:11:24","date_gmt":"2023-06-12T20:11:24","guid":{"rendered":"https:\/\/atmis-au.org\/?p=3556"},"modified":"2023-06-25T10:34:44","modified_gmt":"2023-06-25T07:34:44","slug":"au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/","title":{"rendered":"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<b>Muqdishu \u2013 <\/b>Wafdi ka socda Guddiga Midowga Afrika ee shaqaalaha militeriga, qeybtana ka ah Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa soo gebagebeeyey socdaal ay ku jogeen dalka Soomaaliya oo ay ugu kuur galayeen xaaladda amni, ka hor dhimista qorsheysan ee ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan iyo Sebteembar 2023.<\/p>\n<p>Wafdigan oo ka kooban 23 xubnood oo ka kala socday 17 dal oo Afrikaan ah ayaa kulamadii ugu dambeeyay kula qaatay magaalada Muqdisho madaxda Hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Isagoo ka hadlay dhimista 2000 oo Askari ee ATMIS oo loo qorsheeyay dhammaadka bisha June, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS Danjire Mohamed El-Amine Souef, waxa uu sheegay in ATMIS ay weli ka go\u2019an tahay in ay mas\u2019uuliyadda amniga ku wareejiso DFS, iyadoo diyaar-garowga dhimista ciidamadana uu maraayo heer sare oo jadwalkiisa raacsan.<\/p>\n<p>\u201cWaxa aan ka qabanay qorshaha dhimista ciidamda waxa ka mid ah in aan dhisnay Guddi Farsamo oo Saddex geesood ah oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS si ay u qorsheeyaan hawalaha. Tan waxaa loo sameeyay si waafaqsan Fikradda lagu heshiiyey ee Hawlgallada (CONOPs) iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670,\u201d ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan ku heshiinnay in aan ku wareejino dhowr Saldhig Dowladda Federaalka ee Soomaaliya laga bilaabo 15ka Juun 2023, annaga oo ka dhimayna tirada ciidankeena ilaa 2000 oo askari,&#8221; ayuu Madaxa Hawlgalka ku meelgaarka ah ee ATMIS.<\/p>\n<p>Danjire El-Amine Souef ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan ciidamada ammaanka Soomaaliya in ay la wareegaan amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa bogaadiyay dadaallada isku dhafka ah ee isuduwidda ee ka dhaxeeya ATMIS, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (XFS) ee ku aaddan xaqiijinta habsami u wareejinta mas\u2019uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cWasaaradda gaashaandhigga ayaa hormuud ka ah howshan iyadoo ay xil wareejinta daliil u tahay in ciidamadeenna amniga Soomaaliya ay muujiyeen awooddooda ay kula wareegayan amniga dalkooda,\u201d ayuu yiri Wasiirka.<\/p>\n<p>Wafdigu waxays sidookale la kulmeen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Xafiiska UNSOM, Catriona Laing, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS, Aisa Kirabo Kacyira.<\/p>\n<p>Madaxa Wafdiga Midowga Afrika ee Guddiga Shaqaalaha Militariga, Sarreeye Guuto Ernest Shamu, ayaa uga mahadceliyey ATMIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay warbixinnada iyo wada-shaqeynta ay ka helen. Waxa uu ku nuux-nuux saday in booqashadani ay tahay mid lagu fulinayo waajibaadka guddiga ee ah in ay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika kala taliyaan arrimaha ammaanka ee muhiimka u ah ilaalinta iyo horumarinta nabadda iyo ammaanka Afrika.<\/p>\n<p>&#8220;Booqashada guddigan farsamo ee Soomaaliya waxay ahayd in lagu helo xog toos ah oo ku saabsan xaqiiqada ka jirta Soomaaliya iyadoo looga golleeyahay la-talinta Golaha Nabadda iyo Ammaanka in ay qaataan go&#8217;aanno caddayn ku saleysan marka loo eego dhimista ciidamda ee Howlgalka Ku-meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya,&#8221; ayuu yiri Sarreeye Guuto Shamu.<\/p>\n<p>Wafdiga ayaa hada dib ugu laabtay Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.<\/p>\n<div class=\"flickr-justified-gallery-error\"><span style=\"color:red\">Flickr API error: <\/span><span class=\"flickr-justified-gallery-error-msg\">Invalid API Key (Key has invalid format)<\/span><\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdishu \u2013 Wafdi ka socda Guddiga Midowga Afrika ee shaqaalaha militeriga, qeybtana ka ah Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa soo gebagebeeyey socdaal ay ku jogeen dalka Soomaaliya&hellip;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":3557,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,107],"tags":[],"class_list":["post-3556","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-atmis-news","category-highlights"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.9 - https:\/\/yoast.com\/product\/yoast-seo-wordpress\/ -->\n<title>Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)<\/title>\n<meta name=\"description\" content=\"Mogadishu, 12 June 2023 \u2013 A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee who form part of the AU Peace and Security Council have concluded a fact-finding mission to Somalia to assess the security situation ahead of the planned reduction of ATMIS troops at the end of this month and in September 2023.\u00a0\" \/>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"so_SO\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Mogadishu, 12 June 2023 \u2013 A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee who form part of the AU Peace and Security Council have concluded a fact-finding mission to Somalia to assess the security situation ahead of the planned reduction of ATMIS troops at the end of this month and in September 2023.\u00a0\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-06-12T20:11:24+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-06-25T07:34:44+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2047\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1365\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:creator\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:site\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/\"},\"author\":{\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\"},\"headline\":\"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya\",\"datePublished\":\"2023-06-12T20:11:24+00:00\",\"dateModified\":\"2023-06-25T07:34:44+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/\"},\"wordCount\":1087,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg\",\"articleSection\":[\"Wararka ATMIS\",\"Highlights\"],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/\",\"name\":\"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg\",\"datePublished\":\"2023-06-12T20:11:24+00:00\",\"dateModified\":\"2023-06-25T07:34:44+00:00\",\"description\":\"Mogadishu, 12 June 2023 \u2013 A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee who form part of the AU Peace and Security Council have concluded a fact-finding mission to Somalia to assess the security situation ahead of the planned reduction of ATMIS troops at the end of this month and in September 2023.\u00a0\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"so-SO\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[[\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/\"]]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg\",\"width\":2047,\"height\":1365},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"name\":\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"description\":\"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\",\"name\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"width\":1562,\"height\":522,\"caption\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\",\"https:\/\/x.com\/atmis_somalia\",\"https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/\",\"https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\",\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"Alex Kithumbu\"},\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"Mogadishu, 12 June 2023 \u2013 A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee who form part of the AU Peace and Security Council have concluded a fact-finding mission to Somalia to assess the security situation ahead of the planned reduction of ATMIS troops at the end of this month and in September 2023.\u00a0","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/","og_locale":"so_SO","og_type":"article","og_title":"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","og_description":"Mogadishu, 12 June 2023 \u2013 A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee who form part of the AU Peace and Security Council have concluded a fact-finding mission to Somalia to assess the security situation ahead of the planned reduction of ATMIS troops at the end of this month and in September 2023.\u00a0","og_url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/","og_site_name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","article_published_time":"2023-06-12T20:11:24+00:00","article_modified_time":"2023-06-25T07:34:44+00:00","og_image":[{"width":2047,"height":1365,"url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Alex Kithumbu","twitter_card":"summary_large_image","twitter_creator":"@atmis_somalia","twitter_site":"@atmis_somalia","twitter_misc":{"Written by":"Alex Kithumbu","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/"},"author":{"name":"Alex Kithumbu","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4"},"headline":"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya","datePublished":"2023-06-12T20:11:24+00:00","dateModified":"2023-06-25T07:34:44+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/"},"wordCount":1087,"publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg","articleSection":["Wararka ATMIS","Highlights"],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/","name":"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg","datePublished":"2023-06-12T20:11:24+00:00","dateModified":"2023-06-25T07:34:44+00:00","description":"Mogadishu, 12 June 2023 \u2013 A delegation from the African Union (AU) Military Staff Committee who form part of the AU Peace and Security Council have concluded a fact-finding mission to Somalia to assess the security situation ahead of the planned reduction of ATMIS troops at the end of this month and in September 2023.\u00a0","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#breadcrumb"},"inLanguage":"so-SO","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":[["https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/"]]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#primaryimage","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52962282574_fc1dd6f7f7_k.jpg","width":2047,"height":1365},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/au-military-staff-committee-concludes-fact-finding-mission-to-somalia\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Guddiga Shaqaalaha Milateriga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho xaqiiqo raadin ah oo ay ku joogeen Soomaaliya"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process","publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization","name":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","width":1562,"height":522,"caption":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","https:\/\/x.com\/atmis_somalia","https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/","https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4","name":"Alex Kithumbu","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","caption":"Alex Kithumbu"},"url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3556","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3556"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3556\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3672,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3556\/revisions\/3672"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3557"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3556"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3556"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3556"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}