{"id":3515,"date":"2023-06-05T11:37:57","date_gmt":"2023-06-05T08:37:57","guid":{"rendered":"https:\/\/atmis-au.org\/?p=3515"},"modified":"2023-09-17T13:31:22","modified_gmt":"2023-09-17T10:31:22","slug":"atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/","title":{"rendered":"Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels"},"content":{"rendered":"<strong>Brussels <\/strong>\u2013 Madaxa Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Cali, ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay Brussels madaxda sare ee Midowga Yurub si ay uga warbixiyaan dadaallada lagu dhisayo nabad iyo ammni waara oo ka hirgala dalkan Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Labada mas\u2019uul ayaa hoggaaminayay wafdi wadajir ah oo ka socday ATMIS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo booqasho saddex maalmood qaadatay, todobaadkii hore, ugu tagay Guddiga Midowga Yurub ee fadhigiisu yahay Brussels, si ay uga wadahadlaan horumarka iyo caqabadaha ka jira hirgelinta Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya oo ay taageerto Midowga Yurub.<\/p>\n<p>Waxa ay soo bandhigeen sida Soomaaliya ay horumarro la taaban karo uga gaartay nabadda iyo amniga, xakameynta hubka, la dagaallanka argagixisada, horumarinta xuquuqul insaanka, isbeddelka qaranka iyo dowladnimada.<\/p>\n<p>Waxa ay sheegeen in ay muhiimad gaar ah ay leedahay, ayna ka go\u2019an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumariso, dib-u-heshiisiinta, xasilinta, dib-u-habaynta garsoorka, iyo hubinta ka-qaybgalka muwaaddiniinta ee doorashooyinka iyadoo la raacayo codbixinta dadweynaha ee caalamiga ah ee qof-iyo-cod.<\/p>\n<p>Wafdiga ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay saraakiisha Midowga Yurub howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, dhimista la filaayo ee ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ka bixistooda dalka gabi ahaan meesha lagu gaaro bisha Diseembar 2024-ta.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ka hadlaynaa in mas\u2019uuliyadda amniga lagu wareejiyo Soomaalida oo ay kala wareegaan hawlgalka ATMIS. Habkani wuxuu ahaan doonaa mid loo fuliyo qayb-qayb sababtoo ah ma rabno bixitaan ay masiibo ka dhalato. Waxaan rabnaa in ay arrimuhu si wanaagsan u socdaan,\u201d ayuu yiri Danjire Souef isagoo intaas ku daray: \u201cQorshaha waa socdaa, marka la gaaro Juun, waxaan dhimi doonnaa 2000 oo askari. Ujeedadu waa in ATMIS ay ka baxdo Soomaaliya marka la gaaro Diseembar 2024ta.&#8221;<\/p>\n<p>&#8220;Tani waxay u baahan tahay dadaal iyo isuduwid, ma aha oo kaliya kan dhexeeya DFS iyo ATMIS, laakiin sidoo kale bahwadaagta sida Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay. Midowga Yurub wuxuu ku bixiyaa taageero dhaqaale howlgalkan. Waxaan u mahadcelineynaa dowladaha xubnaha ka ah iyo Guddiga, deeqdan lagu taageerayo nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika,\u201d ayuu yiri Danjire Souef.<\/p>\n<p>La-Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali, ayaa xusay in iyagoo kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika, ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay horumarro la taaban karo ka sameeyeen sugidda ammniga dalka, isla-markaana ay dhiseen awood ku filan oo ay ku fulin karaan hawlgalada qorshaysan. Danjire Souef aya xaqiijiyay in wadanku uu haayo dhabiihi loogasoo bixi laha xilliga kama dambaysta ah ee ay baxayso ATMIS sida uu qabo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan heysanaa 18 bilood si aan uga adkaano Al-Shabaab oo aan u dhameystirno dhimista ciidamada ATMIS. Isku soo wada duuboo, waxaan wadnaa wadadii aan uga gudbi lahayn ATMIS oo aan ugu gudbi lahayn ciidamada amniga Soomaaliya,\u201d ayuu yiri, isagoo xusay in, \u201csi ay Soomaaliya taasi u gaarto, waxaan dib u habeyn iyo dib u dhis ku sameyneynaa ciidamadeenna amniga \u2013 militariga, booliiska, nabadsugidda iyo ciidanka Asluubta. Waa afara \u00a0hay\u2019adood oo amni oo uu dastuurku aqoonsanyahay, waxaana dib u habeyn ugu sameyneynaa anagoo adeegsanayno hab-dhismeedka amniga Qaranka, kaas oo ah heshiis siyaasadeed oo dhanka amniga ah\u201d ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.<\/p>\n<p>Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo la qaatay mas\u2019uuliyiin ka tirsan Golaha wadashaqaynta ee Midowga Yurub iyo Afrika, Agaasimaha Maamulka Hay\u2019adda Adeegga Dibadda ee Yurub (EEAS), Rita Laranjinha, Saraakiil ka socotay Hay\u2019adda Qorsheynta iyo Kartida Ciidanka (MPCC) iyo Agaasimaha Hay\u2019adda Siyaasadda Isku-dhafka ah ee Amniga (ISP), Cosmin Dobran.<\/p>\n<p>Intaa ka dib, waxay warbixin siiyeen wakiilada Mozambique, Gabon, iyo Ghana kuwaas oo ah wakiilada aan joogtada ahayn ee Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxayna iyagoo sidookale la kulmay dublamaasiyiinta matalaya wadamada ay ciidamadooda ka midka yihiin Hawlgalka ATMIS.<\/p>\n<p>Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Belgium, Netherlands iyo Luxemburg Danjire Yoonis Xaashi iyo Madaxa Ergada Soomaaliya ee Midowga Yurub Cabdixakiim Maxamed Yuusuf. Saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxaa ka mid ahaa Danjire Cawad Sakine Ahmat iyo Madaxa ATMIS ee Arrimaha Siyaasadda, Babatunde Taiwo.<\/p>\n<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-3518\" src=\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"761\" height=\"507\" srcset=\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-300x200.jpg 300w, https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-768x512.jpg 768w, https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-2048x1365.jpg 2048w, https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-1920x1280.jpg 1920w, https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-1170x780.jpg 1170w, https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-585x390.jpg 585w, https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52943023645_e27d8bb933_o-263x175.jpg 263w\" sizes=\"(max-width: 761px) 100vw, 761px\" \/><\/p>\n<div class=\"flickr-justified-gallery-error\"><span style=\"color:red\">Flickr API error: <\/span><span class=\"flickr-justified-gallery-error-msg\">Invalid API Key (Key has invalid format)<\/span><\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Brussels \u2013 Madaxa Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Cali, ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay Brussels&hellip;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":3516,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1,158,107],"tags":[],"class_list":["post-3515","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-atmis-news","category-eu","category-highlights"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.9 - https:\/\/yoast.com\/product\/yoast-seo-wordpress\/ -->\n<title>Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)<\/title>\n<meta name=\"description\" content=\"Brussels \u2013 The Head of the African Union peace mission in Somalia, Ambassador Mohamed El-Amine Souef and the Somalia National Security Advisor Hussein Mahmoud Sheikh Ali, held a series of meetings with senior officials of the European Union (EU) in Brussels to brief them on efforts to build lasting peace and security in the Horn of Africa country.\u00a0\" \/>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"so_SO\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Brussels \u2013 The Head of the African Union peace mission in Somalia, Ambassador Mohamed El-Amine Souef and the Somalia National Security Advisor Hussein Mahmoud Sheikh Ali, held a series of meetings with senior officials of the European Union (EU) in Brussels to brief them on efforts to build lasting peace and security in the Horn of Africa country.\u00a0\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-06-05T08:37:57+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-09-17T10:31:22+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2048\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1365\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:creator\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:site\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/\"},\"author\":{\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\"},\"headline\":\"Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels\",\"datePublished\":\"2023-06-05T08:37:57+00:00\",\"dateModified\":\"2023-09-17T10:31:22+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/\"},\"wordCount\":1271,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg\",\"articleSection\":[\"Wararka ATMIS\",\"EU\",\"Highlights\"],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/\",\"name\":\"Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg\",\"datePublished\":\"2023-06-05T08:37:57+00:00\",\"dateModified\":\"2023-09-17T10:31:22+00:00\",\"description\":\"Brussels \u2013 The Head of the African Union peace mission in Somalia, Ambassador Mohamed El-Amine Souef and the Somalia National Security Advisor Hussein Mahmoud Sheikh Ali, held a series of meetings with senior officials of the European Union (EU) in Brussels to brief them on efforts to build lasting peace and security in the Horn of Africa country.\u00a0\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"so-SO\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[[\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/\"]]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg\",\"width\":2048,\"height\":1365},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"ATMIS-FGS delegation briefs EU officials on Somalia security in Brussels meeting\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"name\":\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"description\":\"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\",\"name\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"width\":1562,\"height\":522,\"caption\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\",\"https:\/\/x.com\/atmis_somalia\",\"https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/\",\"https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\",\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"Alex Kithumbu\"},\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"Brussels \u2013 The Head of the African Union peace mission in Somalia, Ambassador Mohamed El-Amine Souef and the Somalia National Security Advisor Hussein Mahmoud Sheikh Ali, held a series of meetings with senior officials of the European Union (EU) in Brussels to brief them on efforts to build lasting peace and security in the Horn of Africa country.\u00a0","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/","og_locale":"so_SO","og_type":"article","og_title":"Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","og_description":"Brussels \u2013 The Head of the African Union peace mission in Somalia, Ambassador Mohamed El-Amine Souef and the Somalia National Security Advisor Hussein Mahmoud Sheikh Ali, held a series of meetings with senior officials of the European Union (EU) in Brussels to brief them on efforts to build lasting peace and security in the Horn of Africa country.\u00a0","og_url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/","og_site_name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","article_published_time":"2023-06-05T08:37:57+00:00","article_modified_time":"2023-09-17T10:31:22+00:00","og_image":[{"width":2048,"height":1365,"url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Alex Kithumbu","twitter_card":"summary_large_image","twitter_creator":"@atmis_somalia","twitter_site":"@atmis_somalia","twitter_misc":{"Written by":"Alex Kithumbu","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/"},"author":{"name":"Alex Kithumbu","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4"},"headline":"Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels","datePublished":"2023-06-05T08:37:57+00:00","dateModified":"2023-09-17T10:31:22+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/"},"wordCount":1271,"publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg","articleSection":["Wararka ATMIS","EU","Highlights"],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/","name":"Wafdi ka socda DFS iyo ATMIS oo madaxda Midowga Yurub uga warbixiyey xalaadaha amni ee Soomaaliya, shir ka dhacay Brussels - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg","datePublished":"2023-06-05T08:37:57+00:00","dateModified":"2023-09-17T10:31:22+00:00","description":"Brussels \u2013 The Head of the African Union peace mission in Somalia, Ambassador Mohamed El-Amine Souef and the Somalia National Security Advisor Hussein Mahmoud Sheikh Ali, held a series of meetings with senior officials of the European Union (EU) in Brussels to brief them on efforts to build lasting peace and security in the Horn of Africa country.\u00a0","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#breadcrumb"},"inLanguage":"so-SO","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":[["https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/"]]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#primaryimage","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/52942788694_e4ec711d41_k-1.jpg","width":2048,"height":1365},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-fgs-delegation-briefs-eu-officials-on-somalia-security-in-brussels-meeting\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"ATMIS-FGS delegation briefs EU officials on Somalia security in Brussels meeting"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process","publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization","name":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","width":1562,"height":522,"caption":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","https:\/\/x.com\/atmis_somalia","https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/","https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4","name":"Alex Kithumbu","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","caption":"Alex Kithumbu"},"url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3515","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3515"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3515\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4156,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3515\/revisions\/4156"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3516"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3515"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3515"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3515"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}