{"id":2177,"date":"2022-05-05T12:16:31","date_gmt":"2022-05-05T09:16:31","guid":{"rendered":"https:\/\/atmis-au.org\/?p=2177"},"modified":"2022-05-12T20:33:05","modified_gmt":"2022-05-12T17:33:05","slug":"atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/","title":{"rendered":"ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida"},"content":{"rendered":"<strong>MUQDISHO, 5 Maajo 2022 \u2013 <\/strong>Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (DSRCC), Fiona Lortan, ayaa ku ammaantay Sierra Leone doorka ay ka qaadanayaan howlaha nabadda, waxayna bogaadisay horumarka uu waddanku ka sameeyay dhinaca dib-u-heshiisiinta, taas oo u noqon karta qorshe ay raacaan dalalka kale ee Afrika.<\/p>\n<p>Ms. Lortan ayaa hadalkan Talaadadii ka sheegtay magaalada Muqdisho, xilli ay ka qaybgelaysey munaasabad lagu xusayey sanadguuradii 61-aad ee xorriyadda dalka Sierra Leone.<\/p>\n<p>Sierra Leone, waa mid ka mid ah wadambada booliska ugu deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS), waxayna xornimada ka qaadatay Ingiriiska 27-kii Abriil 1961-kii.<\/p>\n<p>&#8220;Tabarucaadka ay Sierra Leone bixin karto shaki la&#8217;aan waa mid qoto dheer, gaar ahaan marka la eego dhinaca dib u heshiisiinta,&#8221; ayay tiri Ms. Lortan.<\/p>\n<p>DSRCC waxay intaa ku dartay, &#8220;In kasta oo aad soo marteen wax kasta, waxaad go&#8217;aansateen inaad qaadataan waddadii dib u heshiisiinta oo aad barataan inaad la noolaataan kuwa cadowgaaga ah.&#8221;<\/p>\n<p>Munaasabadda, ayaa hay\u2019adda DSRCC waxay ugu hambalyeysay dalkan ku yaalla galbeedka Afrika, waxayna ku ammaantay hawl-wadeennada ATMIS qaaraankooda geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Taliye Xigeenka Ciidanka ATMIS ee u qaabilsan Howlgallada iyo Qorshayaasha, Jen. William Kitsao Shume ayaa ku ammaanay muwaadiniinta Sierra Leone ee ka tirsan Howlgalka inay gacan ka gaystaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.<\/p>\n<p>Intii u dhaxaysey 2012 iyo 2014-kii, Sierra Leone waxay ahayd mid ka mid ah wadammada ay ciidamadu ka joogaan ilaa adeeggoodii uu carqaladeeyey cudurka Ebola ee nasiib darada ah. Waxaan sharfeynaa walaalaheenna Sierra Leone, oo ay ku jiraan kuwa bixiyey qiimaha ugu sarreeya,\u201d ayuu yiri Jen. Shume.<\/p>\n<p>Taliyaha Booliska ATMIS, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP), Augustine Magnus Kailie, ayaa xusay in Sierra Leone iyo Soomaaliya ay wadaagaan waxyaabo badan oo isku mid ah.<\/p>\n<p>\u201cQaar badan oo naga mid ahaa baa qaxooti ahaa, qaar naga mid ah ayaa barakacay, marka waan naqaan dhibaatada Soomaaliya. Waanu dareemaynaa iyaga. Waan ognahay xaaladda ay ku sugan yihiin,\u201d AIGP Kailie ayaa sidaa tiri.<\/p>\n<p>Waxa uu intaasi ku daray in \u201cDad badan ay dhiigooda u daadiyeen si aan nabad u helno, taasina waa nabada aan maanta ku naaloonayno dalka Sierra Leone\u201d.<\/p>\n<p>Cutubyo ka tirsan Booliska Seerra Leone oo loo soo gaabiyo (FPU) oo hoos taga ATMIS ayaa ku sugan Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland, iyagoo ka taageeraya booliska dhiggooda ah ee Soomaaliya ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta.<\/p>\n<p>Dalalka kale ee booliiska ugu qaaraamay ATMIS waa Uganda, Kenya, Nigeria, Ghana, iyo Zambia.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa munaasabadda ka soo qaybgalay Taliye Xigeenka ciidamada ATMIS ee dhanka taakulaynta iyo saadka, Jen. Gerbi Kebede Regassa, saraakiil ka tirsan ciidamada ATMIS, iyo muwaadiniin u dhashay dalka Sierra Leone oo howlgalkaas ku jirey.<\/p>\n<div class=\"flickr-justified-gallery-error\"><span style=\"color:red\">Flickr API error: <\/span><span class=\"flickr-justified-gallery-error-msg\">Invalid API Key (Key has invalid format)<\/span><\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, 5 Maajo 2022 \u2013 Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (DSRCC), Fiona Lortan, ayaa ku ammaantay Sierra Leone doorka ay ka qaadanayaan howlaha nabadda,&hellip;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":2178,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2177","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-atmis-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.9 - https:\/\/yoast.com\/product\/yoast-seo-wordpress\/ -->\n<title>ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)<\/title>\n<meta name=\"description\" content=\"MOGADISHU, 5 May 2022 \u2013\u00a0The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Ms. Fiona Lortan, has commended Sierra Leone for its contribution to peace operations and hailed the progress the country has made in terms of reconciliation, which could serve as a blueprint for other African countries.\" \/>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"so_SO\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"MOGADISHU, 5 May 2022 \u2013\u00a0The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Ms. Fiona Lortan, has commended Sierra Leone for its contribution to peace operations and hailed the progress the country has made in terms of reconciliation, which could serve as a blueprint for other African countries.\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-05-05T09:16:31+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-05-12T17:33:05+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2047\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1365\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:creator\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:site\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/\"},\"author\":{\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\"},\"headline\":\"ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida\",\"datePublished\":\"2022-05-05T09:16:31+00:00\",\"dateModified\":\"2022-05-12T17:33:05+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/\"},\"wordCount\":1456,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg\",\"articleSection\":[\"Wararka ATMIS\"],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/\",\"name\":\"ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg\",\"datePublished\":\"2022-05-05T09:16:31+00:00\",\"dateModified\":\"2022-05-12T17:33:05+00:00\",\"description\":\"MOGADISHU, 5 May 2022 \u2013\u00a0The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Ms. Fiona Lortan, has commended Sierra Leone for its contribution to peace operations and hailed the progress the country has made in terms of reconciliation, which could serve as a blueprint for other African countries.\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"so-SO\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[[\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/\"]]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg\",\"width\":2047,\"height\":1365},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"L\u2019ATMIS se joint \u00e0 la Sierra Leone pour c\u00e9l\u00e9brer 61 ans d&rsquo;ind\u00e9pendance\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"name\":\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"description\":\"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\",\"name\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"width\":1562,\"height\":522,\"caption\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\",\"https:\/\/x.com\/atmis_somalia\",\"https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/\",\"https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\",\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"Alex Kithumbu\"},\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"MOGADISHU, 5 May 2022 \u2013\u00a0The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Ms. Fiona Lortan, has commended Sierra Leone for its contribution to peace operations and hailed the progress the country has made in terms of reconciliation, which could serve as a blueprint for other African countries.","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/","og_locale":"so_SO","og_type":"article","og_title":"ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","og_description":"MOGADISHU, 5 May 2022 \u2013\u00a0The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Ms. Fiona Lortan, has commended Sierra Leone for its contribution to peace operations and hailed the progress the country has made in terms of reconciliation, which could serve as a blueprint for other African countries.","og_url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/","og_site_name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","article_published_time":"2022-05-05T09:16:31+00:00","article_modified_time":"2022-05-12T17:33:05+00:00","og_image":[{"width":2047,"height":1365,"url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Alex Kithumbu","twitter_card":"summary_large_image","twitter_creator":"@atmis_somalia","twitter_site":"@atmis_somalia","twitter_misc":{"Written by":"Alex Kithumbu","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/"},"author":{"name":"Alex Kithumbu","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4"},"headline":"ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida","datePublished":"2022-05-05T09:16:31+00:00","dateModified":"2022-05-12T17:33:05+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/"},"wordCount":1456,"publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg","articleSection":["Wararka ATMIS"],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/","name":"ATMIS ayaa Sierra Leone kala qayb qaadatay dabaaldegga 61 sano-guuradii madax-bannaanida - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg","datePublished":"2022-05-05T09:16:31+00:00","dateModified":"2022-05-12T17:33:05+00:00","description":"MOGADISHU, 5 May 2022 \u2013\u00a0The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Ms. Fiona Lortan, has commended Sierra Leone for its contribution to peace operations and hailed the progress the country has made in terms of reconciliation, which could serve as a blueprint for other African countries.","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#breadcrumb"},"inLanguage":"so-SO","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":[["https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/"]]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#primaryimage","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52049307831_8da9941f80_k.jpeg","width":2047,"height":1365},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/atmis-joins-sierra-leone-in-celebrating-61-years-of-independence\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"L\u2019ATMIS se joint \u00e0 la Sierra Leone pour c\u00e9l\u00e9brer 61 ans d&rsquo;ind\u00e9pendance"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process","publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization","name":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","width":1562,"height":522,"caption":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","https:\/\/x.com\/atmis_somalia","https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/","https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4","name":"Alex Kithumbu","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","caption":"Alex Kithumbu"},"url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2177","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2177"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2177\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2178"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2177"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2177"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2177"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}