{"id":2171,"date":"2022-05-03T14:24:29","date_gmt":"2022-05-03T11:24:29","guid":{"rendered":"https:\/\/atmis-au.org\/?p=2171"},"modified":"2022-06-03T11:37:34","modified_gmt":"2022-06-03T08:37:34","slug":"muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/","title":{"rendered":"Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga"},"content":{"rendered":"<strong>Muqdisho, 3 Maajo 2022 \u2013\u00a0 <\/strong>Iyadoo guud ahaan Muslimiinta caalamku ay u dabaaldagayeen munaasabadda Ciidul Fidriga, ayaa waxaa gudaha Soomaaliya boqollaal ka mid ah musliniinta ku sugan caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waawayn ay isugu soo baxeen salaadda ciidda.<\/p>\n<p>Dadka intiisa badan ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay midnimada, dib u heshiisiinta, iyo taakulaynta dadka tabaaleysan, gaar ahaan qoysaskii ay saameysay abaarta daran ee dalka ka jirta.<\/p>\n<p>Ciidul Fidriga ayaa ah ciid mudnaan ku leh Islaamka. Maalintan ayaa ku beegan dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaan, oo ay muslimiintu soomaan. Ciidul Fidriga ayaa si wayn loogu ciiday iyadoo wax la siinayo oo lala qeybsanayo dadka danyarta ah iyo kuwa faqriga ah.<\/p>\n<p>Guud ahaan magaalada Muqdisho, boqollaal qof ayaa isugu soo baxay Masjidka wayn ee Isbaheysiga Islaamka si ay ugu tukadaan salaadda Ciidul Fidriga. Sidoo kale, magaalooyinka waawayn ee Beledwayne, Baydhabo iyo Kismaayo, kumannaan muslimiinta ah ayaa isugu soo baxay masaajidyo iyo goobo bannaan oo ay ka mid yihiin garoomo ay ku tukanayeen salaad ay uga mahad-naqayaan in Eebbe uu ku guuleeyey dhamaystirka bisha Ramadaan.<\/p>\n<p>Axmed Daahir Shaafi oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa yiri \u201cMaalintan waxaan ku ciiday nabad iyo wadajir. Magaaladu waa ammaan, sidoo kale waxaan u dabbaaldegaynaa curashada roobabka kaddib abaaro daba dheeraaday.\u201d<\/p>\n<p>Nuur Maxamed Cabdullaahi ayaa yiri: \u201cWaxaa na soo marnay xaalad adag oo abaareed iyo macluul muddooyinkii u dambeeyey. Shacbiga waxaan ugu baaqayaa in la is garab istaago oo dadka abaaruhu saameeyeen loo gurmado\u201d.<\/p>\n<p>Magaalada Beledwayne waxaa ka hadashay Farxiyo Xasan Dirir oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladaas, waxayna sheegtay in maalintan ay ku ciidayeen nabad iyo farxad.<\/p>\n<p>\u201cMagaaladu waxa ay leedahay meelo cusub oo ay caruurteennu ku ciyaaraan oo ay isku maaweeliyaan, inkasta oo ducadaydu ku socoto dadka ay abaaruhu saameeyeen. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka in ay garab istaagaan walaalahooda muslimiinta ah ee dhibaateysan\u201d ayay tiri Farxiyo.<\/p>\n<p>Magaalada Baydhabo, Suleymaan Maxamed Xuseen, oo ah oday, ayaa ku baaqay in la heshiisiiyo Musliminiinta dhexdooda si loo waafaqo shucuurta Ciidul Fidriga.<\/p>\n<p>\u201cCiiddu waa ciid iyo damaashaad; waxaa wanaagsan dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan inay is cafiyaan,\u201d ayuu yiri Suleymaan.<\/p>\n<div class=\"flickr-justified-gallery-error\"><span style=\"color:red\">Flickr API error: <\/span><span class=\"flickr-justified-gallery-error-msg\">Invalid API Key (Key has invalid format)<\/span><\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, 3 Maajo 2022 \u2013\u00a0 Iyadoo guud ahaan Muslimiinta caalamku ay u dabaaldagayeen munaasabadda Ciidul Fidriga, ayaa waxaa gudaha Soomaaliya boqollaal ka mid ah musliniinta ku sugan caasimadda Muqdisho iyo&hellip;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":2172,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-2171","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-atmis-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.9 - https:\/\/yoast.com\/product\/yoast-seo-wordpress\/ -->\n<title>Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)<\/title>\n<meta name=\"description\" content=\"Mogadishu, 3 May 2022 \u2013 As Muslims worldwide celebrated Eid al-Fitr, in Somalia hundreds of believers in the capital Mogadishu and other major cities gathered for prayers to mark the day.\" \/>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"so_SO\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Mogadishu, 3 May 2022 \u2013 As Muslims worldwide celebrated Eid al-Fitr, in Somalia hundreds of believers in the capital Mogadishu and other major cities gathered for prayers to mark the day.\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-05-03T11:24:29+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-06-03T08:37:34+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2048\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1365\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:creator\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:site\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"Alex Kithumbu\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/\"},\"author\":{\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\"},\"headline\":\"Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga\",\"datePublished\":\"2022-05-03T11:24:29+00:00\",\"dateModified\":\"2022-06-03T08:37:34+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/\"},\"wordCount\":1134,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg\",\"articleSection\":[\"Wararka ATMIS\"],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/\",\"name\":\"Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg\",\"datePublished\":\"2022-05-03T11:24:29+00:00\",\"dateModified\":\"2022-06-03T08:37:34+00:00\",\"description\":\"Mogadishu, 3 May 2022 \u2013 As Muslims worldwide celebrated Eid al-Fitr, in Somalia hundreds of believers in the capital Mogadishu and other major cities gathered for prayers to mark the day.\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"so-SO\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[[\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/\"]]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg\",\"width\":2048,\"height\":1365},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Muslims in Somalia celebrate Eid al-Fitr\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"name\":\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"description\":\"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\",\"name\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"width\":1562,\"height\":522,\"caption\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\",\"https:\/\/x.com\/atmis_somalia\",\"https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/\",\"https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4\",\"name\":\"Alex Kithumbu\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"Alex Kithumbu\"},\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"Mogadishu, 3 May 2022 \u2013 As Muslims worldwide celebrated Eid al-Fitr, in Somalia hundreds of believers in the capital Mogadishu and other major cities gathered for prayers to mark the day.","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/","og_locale":"so_SO","og_type":"article","og_title":"Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","og_description":"Mogadishu, 3 May 2022 \u2013 As Muslims worldwide celebrated Eid al-Fitr, in Somalia hundreds of believers in the capital Mogadishu and other major cities gathered for prayers to mark the day.","og_url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/","og_site_name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","article_published_time":"2022-05-03T11:24:29+00:00","article_modified_time":"2022-06-03T08:37:34+00:00","og_image":[{"width":2048,"height":1365,"url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"Alex Kithumbu","twitter_card":"summary_large_image","twitter_creator":"@atmis_somalia","twitter_site":"@atmis_somalia","twitter_misc":{"Written by":"Alex Kithumbu","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/"},"author":{"name":"Alex Kithumbu","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4"},"headline":"Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga","datePublished":"2022-05-03T11:24:29+00:00","dateModified":"2022-06-03T08:37:34+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/"},"wordCount":1134,"publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg","articleSection":["Wararka ATMIS"],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/","name":"Muslimiinta Soomaaliya oo si wayn ugu dabaal degaya Ciidul Fidriga - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg","datePublished":"2022-05-03T11:24:29+00:00","dateModified":"2022-06-03T08:37:34+00:00","description":"Mogadishu, 3 May 2022 \u2013 As Muslims worldwide celebrated Eid al-Fitr, in Somalia hundreds of believers in the capital Mogadishu and other major cities gathered for prayers to mark the day.","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#breadcrumb"},"inLanguage":"so-SO","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":[["https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/"]]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#primaryimage","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/52045980695_9dbc2df71f_k.jpg","width":2048,"height":1365},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/muslims-in-somalia-celebrate-eid-al-fitr\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Muslims in Somalia celebrate Eid al-Fitr"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process","publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization","name":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","width":1562,"height":522,"caption":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","https:\/\/x.com\/atmis_somalia","https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/","https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/92ad2b3f8a4f6847716cd12fe5a81ac4","name":"Alex Kithumbu","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9fa41ea2d532540637286573acf529ba9f8cf64f831f1ef64478c8239de1e0c4?s=96&d=mm&r=g","caption":"Alex Kithumbu"},"url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/alex\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2171","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2171"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2171\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2172"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2171"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2171"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2171"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}