{"id":1629,"date":"2022-03-23T12:02:52","date_gmt":"2022-03-23T12:02:52","guid":{"rendered":"https:\/\/atmis-au.org\/?p=1629"},"modified":"2022-04-28T09:02:35","modified_gmt":"2022-04-28T06:02:35","slug":"amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/","title":{"rendered":"Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub"},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho 15-ka Maarso, 2022<\/strong> \u2013 Saraakiisha ugu sarreeysa Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho shanta maalmood ee soo socota, si ay uga wada hadlaan qaabka loo wajahayo howlgalka cusub ee taageerada nabadda Midowga Afrika ee Soomaaliya.<\/p>\r\n<p>Laga bilaabo 1-da Abriil, AMISOM oo Soomaaliya ka howlgaleysay tan iyo 2007-dii, waxaa lagu bedeli doonaa howlgal cusub oo loogu magac daray Howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS). Shirka Muqdisho ayaa la doonayaa in looga heshiiyo habab kala duwan oo lagu caawinayo xilliga kala guurka, iyo sidoo kale in laga doodo qorshayaasha howlgelin ee howlgalka cusub.<\/p>\r\n<p>Shirkaan oo loo yaqaano SCC, ayaa inta badan u dhexeeya taliyayaasha ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) waxa ayna qorsheeyaan arrimaha amniga ee howlgalka.<\/p>\r\n<p>Dhanka halku-dhegga \u201cQorshaynta Wadajirka ah iyo Isku-dubbaridka si wax ku ool ah oo waqtiyaysan looga guuro AMISOM looguna wareego ATMIS\u201d, kulanka oo bilowday maalintii Isniintii, ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka socdey DFS, taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo AMISOM, iyo sidoo kale saraakiil ka socota Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Adeegga Qaramada Midoobey ee Mine Action Service (UNMAS), Kooxda Taageerada Hawlgalka UK, iyo dhowr ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah.<\/p>\r\n<p>&#8220;Shirkan, isagoo ahaa kii ugu dambeeyey ee hoos yimaada waajibaadka AMISOM, wuxuu calaamad muhiim ah u noqon doonaa khariidadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya xilli AMISOM ay u gudbayso ATMIS, taasoo ugu dambayntii si buuxda ugu wareejin doonta mas&#8217;uuliyadaha amniga Ciidamada Ammaanka Soomaaliya dhammaadka 2024.&#8221; Ayuu yiri Danjire Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, markii uu sida rasmiga ah u furay shirka.<\/p>\r\n<p>Danjire Madeira ayaa ku celceliyay baahida loo qabo in ciyaartoyda muhiimka ihi ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan si ay si hufan u hirgeliyaan fikradda howlgallada cusub (CONOPS 2022-2024), kaas oo ay wehliso Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya ee dib loo eegay, gacanna ka geysan doona gaaritaanka waajibaadka cusub ee howlgalka dhamaadka sanadka 2024.<\/p>\r\n<p>\u201cIyadoo la raacayo howlgelinta Fikradda Howlgallada iyo hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ee 2021-ka oo dib-u-eegis lagu sameeyey, Shirka Taliyeyaasha Waaxyaha waa gogol-xaar u gudubka hawlo amni oo isdaba jooga ah si ay Soomaaliya u soo ceshato sharafteedii,\u201d ayuu yiri Danjire Madeira.<\/p>\r\n<p>Qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay bishii Diseembar 2017-dii ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamku ku heshiiyeen, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey hab-raacyada loogu talagalay in Soomaaliya ay si buuxda u qaadato mas\u2019uuliyadda amnigeeda.<\/p>\r\n<p>La-taliyaha dhanka sharciga ee xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Yaasmiin Axmed, oo ka hadashay xafladda furitaanka kulanka ayaa ku ammaantay AMISOM kaalintii ay ka qaateen yareeynta khatarta argagixisada Al-Shabaab ee sanadihii lasoo dhaafay, iyo sida ay islamarkaa u garab istaageen sidii loogu gudbi lahaa ATMIS xilli waddanku sii wado inuu hirgeliyo aragtida ku qeexan STP.<\/p>\r\n<p>\u201cMaadaama ay Soomaaliya geleeyso waa cusub oo mas\u2019uuliyadeed, waxaan isku diyaarineynaa in aan u qaadno caqabadaha aan wajaheyno annaga oo dib u soo cusboonayneyna dareenka rajooyinka. Marka dhankaa la eego, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay bilowday in dib u eegis lagu sameeyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in aragtideenna, ujeedooyinka istaraatiijiyadeed iyo mudnaanta muhiimka ihi waxa ay la jaanqaadaan khataraha argagixisada ee heer caalami. Qorshaha STP ee dib loo eegay, oo ay weheliso fikradda howlgallada ee wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa dhabbaha u xaaraya in ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ay hoggaamiyaan hawlgallo badan oo weerarro ah oo lagu dhisay ciidan awood leh, guurguura islamarkaana adkaysi leh,\u201d ayay tiri Yaasmiin.<\/p>\r\n<p>Abaanduulaha ciidamada XDS, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howl baaxad leh la geliyey geeddi-socodkii kala guurka, wuxuuna ku baaqay in dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalku ay isku tashadaan si loo xaqiijiyo in si habsami leh loogu soo wareego ATMIS, iyo inuu ugu dambeyntii ku guuleysto waajibaadka loo igmaday.<\/p>\r\n<p>\u201cShaqooyin badan ayaa galay diyaarinta dukumentiyada hagi doona howlgalka cusub. Waxaan fahamsan nahay muhiimadda uu leedahay hirgelinta howlgalka cusub iyo waajibkiisa. Xaqiijinta howlgalka cusub wuxuu u baahan yahay wadashaqeyn buuxda iyo ka go&#8217;naan labada ciidan ee Soomaaliya, iyo sidoo kale kuwa mustaqbalka ee ATMIS. Waxaan boorrinayaa in dhammaanteen aan u guntanno gudashada waajibaadka howlgalka,\u201d ayuu yiri Taliyuhu.<\/p>\r\n<p>Waxaa la filayaa in gabagabada shirka Jimcaha ay ka qayb galayaashu ay tayeeyaan CONOPS iyagoo isla meel dhigi doona qaabka dhabta ah ee lagu wareejinayo iyo la wareegida saldhigyada hore ee Howlgalka AMISOM si loo abuuro ciidamo guurguura oo hoos yimaada ATMIS.<\/p>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho 15-ka Maarso, 2022 \u2013 Saraakiisha ugu sarreeysa Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho shanta maalmood ee soo socota, si&hellip;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1630,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1629","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-atmis-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.9 - https:\/\/yoast.com\/product\/yoast-seo-wordpress\/ -->\n<title>Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"so_SO\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Muqdisho 15-ka Maarso, 2022 \u2013 Saraakiisha ugu sarreeysa Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho shanta maalmood ee soo socota, si&hellip;\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\" \/>\n<meta property=\"article:publisher\" content=\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-03-23T12:02:52+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-04-28T06:02:35+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2048\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1365\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"panyo\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:creator\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:site\" content=\"@atmis_somalia\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"panyo\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"12 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/\"},\"author\":{\"name\":\"panyo\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/bec84c3144db3d65adc4ffda10dd1ed5\"},\"headline\":\"Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub\",\"datePublished\":\"2022-03-23T12:02:52+00:00\",\"dateModified\":\"2022-04-28T06:02:35+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/\"},\"wordCount\":2509,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#organization\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg\",\"articleSection\":[\"Wararka ATMIS\"],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/\",\"name\":\"Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg\",\"datePublished\":\"2022-03-23T12:02:52+00:00\",\"dateModified\":\"2022-04-28T06:02:35+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"so-SO\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[[\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/\"]]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg\",\"width\":2048,\"height\":1365},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"AMISOM, SNA military commanders meet over transition to new mission\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"name\":\"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)\",\"description\":\"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"so-SO\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization\",\"name\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png\",\"width\":1562,\"height\":522,\"caption\":\"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia\",\"https:\/\/x.com\/atmis_somalia\",\"https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/\",\"https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw\"]},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/bec84c3144db3d65adc4ffda10dd1ed5\",\"name\":\"panyo\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"so-SO\",\"@id\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/f937dbacf566cab6263527d7fa1a3794946748caa4a7c58d75c2f31842e7d2c2?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/f937dbacf566cab6263527d7fa1a3794946748caa4a7c58d75c2f31842e7d2c2?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"panyo\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/atmis-au.org\"],\"url\":\"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/panyo\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/","og_locale":"so_SO","og_type":"article","og_title":"Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","og_description":"Muqdisho 15-ka Maarso, 2022 \u2013 Saraakiisha ugu sarreeysa Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho shanta maalmood ee soo socota, si&hellip;","og_url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/","og_site_name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","article_publisher":"https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","article_published_time":"2022-03-23T12:02:52+00:00","article_modified_time":"2022-04-28T06:02:35+00:00","og_image":[{"width":2048,"height":1365,"url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"panyo","twitter_card":"summary_large_image","twitter_creator":"@atmis_somalia","twitter_site":"@atmis_somalia","twitter_misc":{"Written by":"panyo","Est. reading time":"12 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/"},"author":{"name":"panyo","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/bec84c3144db3d65adc4ffda10dd1ed5"},"headline":"Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub","datePublished":"2022-03-23T12:02:52+00:00","dateModified":"2022-04-28T06:02:35+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/"},"wordCount":2509,"publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#organization"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg","articleSection":["Wararka ATMIS"],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/","name":"Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS oo ka shiray kala-guurka howlgalka cusub - Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","isPartOf":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg","datePublished":"2022-03-23T12:02:52+00:00","dateModified":"2022-04-28T06:02:35+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#breadcrumb"},"inLanguage":"so-SO","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":[["https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/"]]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#primaryimage","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/51936585862_438cbffd11_k.jpg","width":2048,"height":1365},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/amisom-sna-military-commanders-meet-over-transition-to-new-mission\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"AMISOM, SNA military commanders meet over transition to new mission"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#website","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","name":"Hawlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)","description":"(EN) Supporting a Somali-led Peace and Security process","publisher":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"so-SO"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#organization","name":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)","url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","contentUrl":"https:\/\/atmis-au.org\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/ATMIS-logo.png","width":1562,"height":522,"caption":"African Transition Mission in Somalia (ATMIS)"},"image":{"@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"},"sameAs":["https:\/\/facebook.com\/atmis.somalia","https:\/\/x.com\/atmis_somalia","https:\/\/www.instagram.com\/atmis_somalia\/","https:\/\/www.youtube.com\/channel\/UCmFjQr9t7YHnCJjZqRflDBw"]},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/#\/schema\/person\/bec84c3144db3d65adc4ffda10dd1ed5","name":"panyo","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"so-SO","@id":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/f937dbacf566cab6263527d7fa1a3794946748caa4a7c58d75c2f31842e7d2c2?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/f937dbacf566cab6263527d7fa1a3794946748caa4a7c58d75c2f31842e7d2c2?s=96&d=mm&r=g","caption":"panyo"},"sameAs":["https:\/\/atmis-au.org"],"url":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/author\/panyo\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1629","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1629"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1629\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1630"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1629"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1629"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/atmis-au.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1629"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}