The UN Security Council Resolution 2767 (2024) endorsed the African Union Peace and Security Council’s decision to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) with the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) with effect from 1 January 2025.
Home » ATMIS oo u hambalyaysay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu Baarlamaanka Federaalka ihi kalsooni siiyey

ATMIS oo u hambalyaysay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu Baarlamaanka Federaalka ihi kalsooni siiyey

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 25 Juun 2022 – Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa hambalyo diirran u diray RW Xamse Cabdi Barre kaddib markii Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u ansixiyeen Ra’iisul Wasaare.

Ansixinta baaxadda leh ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa u gogol xaaraysa magacaabista xubnaha Golaha Wasiirrada. ATMIS waxa ay sidoo kale u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka, sida ay u guteen waajibaadkooda wadaninnimo, taasoo ah tillaabo la taaban karo oo loo qaaday dhinaca dhismaha dowladda.

ATMIS waxay diyaar u tahay inay taageerto Dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, si loo gaaro hadafka ah in Soomaaliya ay nabad iskula noolaato caalamkana kula noolaato.

___________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Sarkaalka Isgaarsiinta ama Afhayeenka Ciidanka

Marwo Gifty Bingley ama Lt. Col. Daniel Mugoro Muiuri,

Iimayl: atmismediacenter@gmail.com

Taleefanka gacanta: (Soomaaliya) +252 617 682 175/+252 613 665 356; (Nairobi) +254 722 788 975

You may also like